West Heidelberg Community Legal – WE’RE STILL OPEN – service availability during COVID-19 (Somali)

April 22, 2020 · Events, Video

WHCL waxay bixisaa talo sharciyeed oo bilaash ah oo lugu caawiyo dadka deggan xaafadaha Banyule.

Digniin: Waxaan kalmeenaa xubnaha ugu liita ee bulshadayada iyo adeegyadayada qaarkood waxay leeyihiin shuruudo u-qalmitaan gaar ah, oo ay ka mid tahay inaad haysato Kaarka Daryeelka Caafimaadka ama Kaarka Dadka Da’da  (Healthcare or Pension Card).

Waxaan haynaa tilmaamo ku saabsan aagagga aan ka caawin karno. Hoos waxaa ku yaal liiska sharciyada aan ka caawin karno.

  •  Ganaaxyada
  •  Kiraysiyada guryaha
  •  Shilalka gawaarida ee aan caymiska lahayn
  •  Sharciga qoyska
  •  Rabshada qoyska
  •  Amarada faragelinta (intervention orders)
  •  Magdhow dambi (victim of crimes application)
  •  Dembiyada yar yar
  •  Arrimaha ilaalinta ilmaha

Fadlan naga soo wac 9450 2002. Haddii aanaan toos kuu caawin karin, waxaan kuu gudbin doonnaa adeeg ku caawin kara.